DHAGEYSO: Beeraleyda Shabeelaha Hoose oo ku faraxsan wabiga oo biyo keenay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose  ayaa sheegaya in la arkay webiga Shabelle oo keenay biyo horudhac ah, kadib dhowr todobaad oo uu qalalnaa.

Dadka ku nool deegaanka Basra   oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose  ayaa arkay biyo ka soo dhacaya wabiga Shabeelle

Dad isugu jira dhalinyaro rag iyo dumar leh ayaa lagu arkayay gabaldhacii xalay Xiintoyda iyagoo ku qubeysanaya biyaha uu wabiga keenay, muujinayan farxad.

Dadka beerraleyda ahaa haatan bilaabaya beerashada dalagyada kala duwan maadaama wabigu biya keenay, xilli roobaadkiina lasii guda gelayo.