Lix garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo garsoore Baashe Yuusuf Axmed, ayaa dacwad ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiyay Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika (EACJ), iyagoo ka cabanaya faragelin ay sheegeen in lagu sameeyay madax-bannaanida garsoorka iyo go’aannada Maxkamadda Sare.
Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika ayaa diiwaangelisay dacwadda oo loo bixiyay Reference No. 69 of 2026, iyadoo qeybteeda koowaad ee fadhigeedu yahay magaalada Arusha ee dalka Tanzania ay 18-kii Nofeembar 2026 soo saartay ogeysiis rasmi ah oo dowladda Soomaaliya looga dalbanayo inay jawaab ka bixiso dacwadda.
Garsoorayaasha dacwadda gudbiyay ayaa kala ah Baashe Yuusuf Axmed, Saalax Sheekh Ibraahim Diblaawe, Cabdiqaadir Idiriis Essa, Abubakar Axmed Cali, Cabdikaafar Xuseen Isaaq iyo Cabdicasiis Maxamed Yuusuf.
Dacwadda ayaa ka dhan ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana dowladda loo qabtay muddo 45 maalmood ah oo ka bilaabanaysa marka si rasmi ah loo gaarsiiyo ogeysiiska maxkamadda, si ay ugu soo gudbiso jawaabteeda iyo mowqifkeeda sharci.
Ogeysiiska maxkamadda ayaa sidoo kale tilmaamaya in haddii dowladda ay ku guuldarreysato inay jawaab ku soo gudbiso muddada loo qabtay, dacwadda la dhageysan karo lagana go’aamin karo iyadoo aysan dowladda ka qeybgelin.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii garsoorayaashan ay sharci-darro ku tilmaameen go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, iyagoo ku dooday in tallaabadaasi ay hareer martay habraacyada dastuuriga ah, isla markaana ay dhaawacayso madax-bannaanida garsoorka.
Maxkamadda Sare ayaa 5-tii Nofeembar soo saartay go’aan ay ku burisay xil-ka-qaadistii Baashe Yuusuf, iyadoo sheegtay in madaxweynaha uusan awood u lahayn inuu kaligiis xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamadda, isla markaana loo baahan yahay in la ilaaliyo madaxbannaanida hay’adaha garsoorka.
Garsoorayaashu waxay sidoo kale ku dhawaaqeen in muddadii xil-haynta Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo hay’adaha dowladda Federaalka ay dhammaatay, iyagoo xusay in muddada madaxweynaha ay ku ekeyd 15-kii May 2026, halka muddada Baarlamaanka ay ku dhammaatay 14-kii April 2026.
Khilaafka ayaa sii xoogeysanayay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka Baashe ka qaaday, isla markaana uu magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo loo dhaariyay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, inkasta oo maxkamaddu ay tallaabadaas sharci-darro ku tilmaantay.
Dacwadda cusub ayaa khilaafkii u dhexeeyay Madaxtooyada iyo garsoorka Soomaaliya u gudbinaysa heer goboleed, iyadoo Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika ay hadda haysato fursad ay ku dhageysato mowqifyada labada dhinac, kadib marka dowladda Soomaaliya ay soo gudbiso jawaabteeda.
Arrintan ayaa sidoo kale sare u qaadaysa doodda ku saabsan kala madaxbannaanida hay’adaha dowladda, dhowrista dastuurka iyo awoodda garsoorka ee ka hortagga faragelinta hay’adaha kale ee dowladda.




