Soomaaliya oo Imaaraadka uga digtay adeegsiga dhulkeeda iyo dekedaheeda hurinta colaadaha Yemen iyo Suudaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan oggolaan doonin in dhulkeeda, dekedaheeda iyo hawadeeda loo adeegsado hurinta colaadaha ka socda dalalka Yemen, Suudaan iyo dalal kale, iyadoo xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhexeysa Imaaraadka Carabta ay sii xoogeysanayso.

 

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya uu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida dalka, midnimada dhuleed, hufnaanta hay’adaha dowladda iyo amniga qaranka.

 

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ayuu ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka lagu saleeyo is-ixtiraam, sinnaanta dowladaha iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in tabashooyinka Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadallo diblomaasiyadeed, kuwa amni iyo hannaan sharci, halkii lagu tilmaami lahaa khilaafyo siyaasadeed oo gudaha ah.

 

Hadalkan ayaa jawaab u ahaa bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, kaas oo lagu cambaareeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday safiirkii Imaaraadka, isla markaana ay dib ugu yeertay safiirkeedii ka joogay Abu Dhabi.

 

Imaaraadka ayaa tallaabada Muqdisho ku tilmaamay mid sii hurinaysa xiisadda, dhaawacna u geysanaysa xiriirka labada dal iyo saldhigyada iskaashigooda. Waxa kale oo uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha kusoo dhex dartay xiriirka labada dal, taas oo Abu Dhabi sheegtay inay waxyeello u geysan karto danaha labada shacab.

 

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu eedeymo u jeediyay Imaaraadka, isagoo sheegay inuu saldhigyo milatari ka sameystay qaybo ka mid ah Soomaaliya, isla markaana uu dalka ka howlgaliyay ciidamo aan ku shaqeynayn nidaamka amniga qaranka, islamarkaana aan oggolaansho ka haysan dowladda Federaalka.

 

Khamiistii, dowladda Soomaaliya ayaa amartay in safiirka Imaaraadka uu dalka ka baxo, iyadoo sidoo kale dib ugu yeertay safiirkeedii ka joogay magaalada Abu Dhabi.

 

Tallaabooyinkan ayaa daba socday go’aankii Muqdisho ay horraantii sanadkan ku burisay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, sidoo kalena ay hawadeeda ka xirtay diyaaradaha milatariga iyo kuwa xamuulka ee dalkaas.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar kala duwan sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xiriir la yeelato Imaaraadka, balse uu ku dhisnaado sinnaanta, is-ixtiraamka iyo dhowrista madax-bannaanida labada dal.

 

Khilaafka hadda taagan ma aha kii ugu horreeyay ee labada dowladood dhex mara. Sannadkii 2018-kii, waxaa sidoo kale xumaaday xiriirka labada dhinac kadib markii dowladda Soomaaliya ay la wareegtay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo laga helay diyaarad Imaaraadku leeyahay oo kasoo degtay garoonka Muqdisho.

 

Abu Dhabi ayaa xilligaas sheegtay in lacagtaasi loogu talagalay taageerada ciidamada Soomaaliya iyo tababarka askarta. Dhacdadaas kadib, Imaaraadku wuxuu soo afjaray howlgalkii tababarka milatari ee uu Soomaaliya ka waday, isagoo diiday eedeymaha Muqdisho ee ahaa inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha dalka.

 

Xiisadda hadda taagan ayaa mar kale su’aalo ka dhalisay mustaqbalka xiriirka labada dal, iskaashigooda amni iyo dhaqaaleba, iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga gobolka.