Wasaarada caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay tirada dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay deegaano hoos yimada gobolka Jubbada Dhexe.
Wasaaradu waxay sheegtay in ay jiraan tiro dad oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo ku dhufay gobolka jubba hoose, gaar haan magaalooyinka Saakow , Bu’aale, Jilib
magaalada Bu’aale oo ah magaalo madaxda gobolka Jubbada Dhexe waxa uu soo ritay 21 qof, waxaana u geeriyooday hal ruux.
Sidoo kale degmada Saakoow waxa uu Cudurka shuban biyoodka Soo ritay 54 Qof, 11 ayaa u dhimatay sida ay Wasaarada caafimaadka ay sheegtay.
Magaalada Jilib oo igaduna ka katirsan gobolka Jubbada Dhexe waxa uu cudurkaasi soo ritay 7 qof mana jirin wax dhimasha ah.


