Gudoomiyaha ku xigeenka ayaa sheegay in ay ka warqabaan weerarada ay shabaab doonayan in ay ka geystaan gobolka Banaadir.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in xogta labadii gaari ee shalay ay qabteen ciidamada NISA hore loo ogaa, oo hay’adaha amaanka ay la socdeen qorshaha ay damacsanaayeen ururka Al-shabaab
Gudoomiyaha ku xigeenka ayaa sheegay in markaste ciidanka xooga ay diyaar u yihiin falkaste oo ay Shabaab soo abaabulaan in ay ka hortagaan.
Ciidamada NISA ayaa hareereeyay labada gaari, ka hor inta aanu bartilmaameedkii la rabay gaarin, waxaana la sheegay in la doonayay in lagu qarxiyo maqaayad ku taal KM5.