Wararkii ugu dambeeyay ee caawa Raqayle iyo Dac-dheer

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u xaqiijiyay in ku dhawaad tirada dhimashada ay marayso 10 ruux dhaawacana intaas ka badan yahay islamarkaana ay jiraan hub aruursi ay wadaan la bada dhinac.

Waxgaradka labada dhinac ayaa wada qorsho la doonaayo in lagu hakiyo dagaalka,

Dagaalka ayaa salka ku haya ka dib markii Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay Amreen in Dadka Shacabka ah ay ka Guuraan Dacdheer.

Dadka kudhaawacmay dagaalka ayaa la kala gaarsiiyay magaalooyinka Gelinsoor Dhabad iyo Cadaado Waxaana laga cabsi qabaa in markale dagaalka dib u qarxo.

Xaalada ayaa caawa dagan.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay soo qaadeen Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,kaas oo ilaa hadda ka soconaya Duleedka Degaanka.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay deegaanka Raqayle ee gobolka shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in labo beelo walaal ay halkaas ku dagaalameen.

Dagaalka ayaa geystay Khasaaro kala duwan waxaana la sheegaya in ay jirto dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay  labada dhinaca.

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa wadda qorsho lagu joojinaayo colaada ka taagan Raqayle .

Habeen hore ayaa halkaas waxaa lagu dilay in beeraley ah waxaana la sheegaya in uu dagaalku ka dhashay arintaas.