DHAGEYSO: Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay safarkiisa

R/wasaaraha dowladda  Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu booqao ka tagay dalalka Ruushka iyo Turki.

Sharmaake ayaa sheegay in uu la kulmay madaxda dalalka Turki iyo Ruushka islamarkaana uu kala hadlay xaalada Soomaaliya .

Dhinaca kale R/wasaaraha ayaa xusay in booqashadii uu ku tegay dalka Ruushksa ay ku soo dhamaatay guul,  isagoo tilmaamay in dalkaasi uu kala hadlay sidii dalkaasi uu dib u dhis ugu sameeyn lahaayeen ciidamada.

Cumar cabdirashiid ayaa maal mihii lasoo dhaafay Safar ku maraayey wado ka mid ah caalaamka.