Maamulka Suudaanta Koofureed ayaa waxa uu sheegayaan in hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar uusan maanta u duuli doonin magaalada Juba.
Wasiirka warfaafinta waxa uu sheegay in dowladda ay Riek Machar u ogolaaneyso hadii uu sheegan hubka ay ilaaladiisa sitaan.
Waxa uu intaa ku daray in dowladda ay ogolaansho ay bixineyso oo keli ah marka ay Qaramada Midoobeey xaqiijiso hubka Mr Machar inta uu gaarayo.
Mr Machar waxa uu hadda ku sugan yahay dalka Itoobiya, dhowr jeer ayuuna dib u dhacay safarkii uu ku tagi lahaa caasimadda Juba.
Jimcihii, xoghayaha Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon, waxa uu Machar ugu baaqayaa in, inkastoo dib u noqoshadiisa ay dib u dhacday, in uu aado Juba.
Waxaa la filayaa in madaxweyne ku xigeen loo dhaariyo hadduu ku noqdo Juba, si loo soo afjaro colaadda labada sano ka socota dalkaasi.