Warar cusub oo kusoo kordhay dagaalka Dac-dheer

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u xaqiijiyay in ku dhawaad tirada dhimashada ay marayso 10 ruux dhaawacana intaas ka badan yahay islamarkaana ay jiraan hub aruursi ay wadaan la bada dhinac.

Waxgaradka labada dhinac ayaa wada qorsho la doonaayo in lagu hakiyo dagaalka,laakiinse wararka waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay wadaan gurmad xoogle.

Dagaalka ayaa salka ku haya ka dib markii Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay Amreen in Dadka Shacabka ah ay ka Guuraan Dacdheer.

 

Dagaalka ayaa la sheegay in ay soo qaadeen Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,kaas oo ilaa hadda ka soconaya Duleedka Degaanka.