Daawo ku dhawaad 80-Arday oo OUM/SIMAD ka qaatay Master Degree +Codad

In kabadan 80 arday ayaa manta ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD oo ka mid ah jaamacadaha kuyaala caasimada Muqdisho.

Ardaydaan maanta qalin jibisay ayaa waxay isugu jiraan Kulliyadaha kala duwan oo ay bixiso Jaamacada SIMAD gaar ahaan qeybta Mastar Digriiga, waxayna la kaashatay Jaamacada Open University ee Maleysiya.

Xaflada qalin jibinta waxaa ka qeybgalay madaxda Sare ee jaamacada SIMAD, Xubno ka socday Jaamacada Open University ee Maleysiya, Waalidiin iyo Marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab oo Xaflada ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ardayda maanta qaadaneysa shahaadada Master Digriiga ee Heerka labaad ee Jaamacada.

Qaar ka mid ah arday oo la hadlay idaacada Risaala ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsanyihiin in ay manta dhameystaan shihaada labaad ee jaamacada SIMAD.

Agaasimaha guud ee Idaacada Risaala Maxamed Cabduhaab C/llaahi ayaa ka mid ahaa dadka manta nasiibka u yeeshay in ay ka qalin jabiyaan jaamacada SIMAD, waxaa uuna sheegay in ay si aada ugu faraxsanyahay in uu manta ka qalin jabiyo jaamacada oo uu difaacdo shihaadda labaad Master degriiga.

IMG_1747 IMG_1751 IMG_1780 IMG_1798 IMG_1800

IMG_1589

IMG_1587

IMG_1587

IMG_1640 IMG_1638 IMG_1639

IMG_1749 IMG_1748 IMG_1747 IMG_1746 IMG_1745 IMG_1744 IMG_1741 IMG_1742 IMG_1743

IMG_1689 IMG_1692