Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Maxamed isxaaq Cabdi oo qeyb ka yihiin Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mohamuud Maxamed Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdifataha Maxamed ibraahim Biano iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Yoonis Aadan Xasan ayaa gaarey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha degmada Diinsoor ugu soo dhaweeyey Maamulka Degmada , Saraakiisha Ciidanka, iyo Ururada Bulshada Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degmadaas.
Socdaalka Wafdiga ayaa ku qotoma u kuura gelidda Xaaladda Amniga, Saamaynta Abaarta iyo wax ka ogaanshiyaha Baahiyaha ay qabaan Bulshada Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Wafdiga Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Degmada Diinsor ka bilaabay diiwan gelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor si ay u helaan Xaquuqdooda iyo Saanad Ciidan.
Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi ayaa Ciidanka u sheegey in ay Xaquuqdooda heli doonan, wuxuuna kula dar daarmey in ay isku diyaariyaan Howlgal Wadajir ah oo guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Al-Shabab, kaas oo dhawaan bilaaban doono



