Waa Tuma Kooxda Ciilka ka saari doonta Mauro Icardi?

Kooxda Napoli ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi inuu yahay saxiix weyn oo ay sameyn karaan xagaagan

Inkasta oo uu dhaliyay 121 gool lixdii sano ee uu joogay San Siro, Icardi ayaa diyaar u ah in xagaagan u wareego koox kale ka dib markii ay isku dhaceen kooxda ka dhisan Serie A.

Inter ayaa sidoo kale u baahan inay iska iibiso xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ka dib markii ay Romelu Lukaku kala soo wareegeen Manchester United 73 milyan ginni.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, kooxda Napoli ayaa raadineysa inay xoojiso weerareeda iyadoo isha ku heysa 26 jirkaan.

In kasta oo warbixintu aysan cadeyn lacagta lagu doonayo,kooxda kaalinta labaad ku dhameysatay Serie A xili ciyaaareedkii hore ayaa diyaar u ah inay ku bixiyaan saxiixa Icardi ilaa 10 milyan oo euros oo mushaar ah sannadkii