Real Madrid oo soo afjartay xiisihii ay u qabtay Pogba

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay soo afjari doonto raacdada ay ugu jiraan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba hadii ay awoodaan inay dhameystiraan saxiixa weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar.

Inkasta oo dadaal dheer oo xoogan ay ugu jiraan saxiixa Pogba, Real kuma dhowa inay soo qaadato xiddiga United ee ku guuleysta Koobka Adduunka, kaasoo seddex sano uga harsan yahay qandaraaskiisa.

Sikastaba, wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in suurtogalnimada Neymar lagu geynao Madrid ay socto, iyadoo Zinedine Zidane diiday uu wlai u baahan yahay saxiix weyn.

Sida laga soo xigtay The Sun, Real ayaan sii wadan doonin dalabyada ay ku doonayaan Pogba hadii ay ku guuleystaan soo xerogalinta saxiixa Neymar isbuucyada soo socda.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Neymar uu heshiis qiimihiisu dhan yahay 700 kun ginni isbuucii heli oono haddii uu dhameystiro u wareegista Bernabeu.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Luka Modric lagu soo daro dalab kasta oo Real Madrid ku aadaneyso Neymar.