UK oo xayiraad dhanka Socdaalka ah saartay dalal Burundi ku jirto

10 Downing Street handout photo of Prime Minister Boris Johnson clapping outside 11 Downing Street in London to salute local heroes during Thursday's nationwide Clap for Carers NHS initiative to applaud NHS workers fighting the coronavirus pandemic. Issue date: Thursday April 2, 2020. See PA story HEALTH Coronavirus. Photo credit should read: Pippa Fowles/Crown Copyright/10 Downing Street/PA WireNOTE TO EDITORS: This handout photo may only be used in for editorial reporting purposes for the contemporaneous illustration of events, things or the people in the image or facts mentioned in the caption. Reuse of the picture may require further permission from the copyright holder.

Dowladdaha Imaaraatka Carabta, Burundi iyo Rwanda ayaa lagu daray “liiska cas” ee dalalka laga mamnuucay in dadkoodu ay safarro ku tagaan Boqortooyada UK.

Sida ay sheegtay UK Tallaabadaan ayaa  looga gol leeyahay joojinta faafitaanka nooca cusub ee Coronavirus ee ka soo unkamay Koofur Afrika.

Xayiraada ayaa dhaqangali doonta maanta  oo Jimco ah sida uu yahay qorshuhu.

Dadka u dhashay Britain, Ireland iyo kuwa xaqa degganaanshaha ku leh Ingiriiska ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan dalkaas balse waxay ku qasban yihiin inay muddo 10 maalmood ah guriga isku karantiilaan.

Tiro ka tirsan dadka caanka ka ah baraha bulshada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay booqday Dubai iyadoo UK ay mamnuucday safarrada aan muhiimka ahayn.

Imaaraatka Carabta wuxuu ahaa halka ugu badan ee ay dalxiiska ku tageen dadka UK bishii November 2020, iyadoo 84,500 oo rakaab ah ay isaga kala gooshayeen dalkaas, sida laga soo xigtay Waaxda Duullimaadka Cirka. Dalalka kale ee ay muwaaddiniinta UK sida aadka ah u booqdeen waxaa ka mid ah Hindiya (54,000), Qadar (38,000) iyo Vietnam (36,000).