Xariirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa ka hadashay amaanka ciyaaraha qaramada ee Euro 2016-ka kadib weeraradii argagaxiso ee ka dhacay magaalada Brussels.
Ku dhawaad 35 ruux ayaa dhimatay ilaa 150 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib labo weerar oo maanta ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.
Weeraradaas ayaa imaanaya shan bilood kadib markii 129 ruux ay ku dhinteen kuwa kale oo badana ay ku dhaawacmeen weeraro argagaxiso oo ka dhacay dalka France oo ah halka tartankaas lagu qaban doono.
Si kastaba bayaan kasoo baxay UEFA ayaa lagu sheegay in amaan uu jiro kulamada France ka dhici doona ee Euro 2016-ka.
“Kadib dhacdadii maanta ee Brussels, UEFA waxaa ay rajeyneysaa in amaanka iyo bad baadada EFA EURO 2016 uu noqon doono mid la isku haleyn karo”ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UEFA.
“EURO 2016 SAS iyo dhamaan ururada ka qeybta ah tartankan waxaa ay sii wadan karaan shaqadooda, waxaana ay la socon doonaan heerka qatarta ee tartankan”.


