Kooxo hubeysan oo weeraray Hotel ku yaalla Mali

Rag hubaysan ayaa weeraray hoteel xarun u ah hawlgalka tababarada ciidamada Midowga Yurub ee caasimada Mali, ee Bamako.

Wasiirka amniga ee dalka Mali ayaa sheegay in mid ka mid ah raggii weeeraka soo qaaday la dilay kaddib markii ay rasaas is waydaarsadeen ilaalada hoteelkaasi isla markaana gacanta lagu dhigay labo qof oo laga shakisan yahay.

Midowga Yurub ayaa warbixin uu ku daabacay boggiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in aysan jirin cid ka tirsan shaqaalaha midowga Yurub oo weerarkaasi ku dhaawacmay.

Ciidamada ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana waddooyinka roonda ku maraya baabuurta milatariga.

Hoteelka Radisson Blu oo halkaasi ka ag dhow ayaa bishii November ee sanadkii hore waxaa weeraray dagaalyahano xiriir la leh Al-Qaaciddada.

Kooxaha islaamiga ah ayaa waxa ay sidoo kale weerareen hoteello ku yaalo Burkina Faso iyo Ivory Coast.

Midowga Yurub ayaa dalka Mali geeyay ku dhawaad 600 oo askari oo tababar siinaya ciidamada dalkaasi.