Tirada Dadka ku dhintay weerarkii ka dhacay Ruushka oo korortay

Tirada dadka ku dhintay weerarkii  lagu qaaday goob ay ka ka socotay bandhig faneed oo ku taalla duleedka magaalada Moscow ayaa hadda gaareeysa ugu yaraan 115 qof sida uu sheegay Ruushka, weerarkaas oo ay fuliyeen rag hubeysan,

In ka badan 140 kale ayaa lagu dhaawacay hoolka magaalada Crocus, sida ay sheegtay Waaxda Adeegga Amniga Federaalka ee FSB.

Andrei Vorobyov, oo ah gudoomiyaha gobolka Moscow, ayaa sheegay in tirada dadka wax ku noqday weerarka lagu qaaday Hoolka Crocus Concert Halla ay wali “si weyn kor ugu kaci karto”.

Dab weyn ayaa qabsaday saqafka sare ee dhismaha, waxaana muqaal argagax leh uu muujinayayey dadkii riwaayadda daawanayay oo gabbanaya iyadoo rasaas iyo qaraxyo la maqlayey.

Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerarkan ka dhacay dalka Ruushka  balse laamaha Amniga ee dalkaas ayaa wada baaritaano la xiriira weerarkaas.