Taliyihii Qeybta Boliiska gobolka Banaadir oo is casilay

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyihii ciidamada Boliiska gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Boliiska gobolka Banaadir.

Cali Gaab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin cid xilka ka qaaday ama shaqada ka ceyrisay laakiin uu go’aansaday in uu shaqada ka tago.

ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ah oo uu isku casilay General Cali Gaab oo muddo dheer ku soo jiray arimaha ciidanka.

Taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa horay ugu magacaabay Cali Gaab Taliyaha Qaybta Boliiska gobolka Banaadir.

Intii uu Cali Gaab haayay xilka Booliska gobolka Banaadir ayaa waxa uu qabtay shaqooyin kala duwan oo dhanka ammaanka ku saabsan.