India oo sheegtay in khatarta burcadbadeeda ay hoos u dhacday

Ciidanka dowladda india ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka hortageen weeraro badan oo ay kooxaha burcadbadeeda ay soo abaabuleen ayna doonayeen in ay ku afduubtaan maraakiib.

Taliyaha ciidanka badda ee dowladda india u qaabilsan la dagaalanka burcadbadeeda ayaa sheegay in ciidanka dowladda india ay ka hortageen weeraro badan oo ay soo maleegeen kooxaha burcadbadeeda kuwasoo la doonaayey in lagu dhibaato marakiibta ganacsiga ee maraaya xeebaha Soomaaliya.

Admiral Ravneet Singh ayaa sheegay in ciidanka badda ee dowladda India ay hoos u dhigeen khatarta burcadbadeed,waxa uuna sheegay in hada aysan Soomaaliya ka jirin dhibaato burcadbadeednimo.

Weerarada guud ee ay qaadeen kooxaha burcad badeed ayaa lagu sheegay 171 weerar iyadoo sidoo kale in waxyeelo u geysteen ku dhawaad 40 markab sida laga soo xigtay howlgalka Midowga Yurub  ee Atlaanta.

Muwaadiniin badan oo u dhashay dalka India ayaa muddo badan afduub ahaan waxaa u heystay kooxaha burcad badeeda,waxaana dowladda India ay ka mid tahay dowladdaha lagu ammaano la dagaalanka burcad badeeda.