Waxaa maanta magaalada Qardho ee gobolka Bari ee Puntland si rasmi ah uga furmay Shirweynaha madasha hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed oo maalmihii la soo dhaafay gaaray magaaladaasi.
Waxgaradka ka qeyb galaya shirka ayaa halkaas ka jeedinaya khudbado aad u xasaasi oo looga hadlaayo xaalada Soomaaliya iyo sidoo kale kaalinta waxgaradka Soomaaliyeed.
kulanka ayaa waxaa daahfuray hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .
Shirka inta uu socdo waxyaabaha looga hadli doono waxaa ka mid ah nabadeynta bulshada Soomaaliyeed,iyo sidoo kale isku xirka odayaasha Soomaaliyeed.