Lafta gareen oo ka horyimid eedeymaha Xasan Sheekh ee Imaaraadka.

Madaxweynihii hore ee KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa si adag uga horyimid eedeymaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u jeediyay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay inaysan aqbalayn go’aannada hal dhinac ah ee dowladda Federaalka ka gaarto xiriirka Imaaraadka.

War-saxaafadeed xalay kasoo baxay lafta gareen ayaa lagu sheegay in eedeymaha loo jeediyay Imaaraadka Carabta ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana maamulka uu weli ku adkeysanayo xiriirka dhow iyo iskaashiga kala dhexeeya dowladda Imaaraadka.

Lafta gareen ayaa caddeeyay in go’aannada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaligiis ka gaarayo xiriirka Imaaraadka aysan ku khasbeyn maamulka, taasoo muujineysa kala aragti duwanaanshaha sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, maamulka Lafta-gareen ayaa su’aal geliyay sharciyadda xilka Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku dooday in muddadii xilkiisa ay dhammaatay 15-kii May 2026, isla markaana uu dalka wajahayo xaalad siyaasadeed oo u baahan in lagu xalliyo heshiis iyo hannaan dastuuri ah.

War-saxaafadeedka ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay wiiqeyso nidaamka federaalka, sii hurineyso xasillooni darrada siyaasadeed, isla markaana awood ciidan u adeegsaneyso dhinacyada siyaasadeed ee ka aragti duwan.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale bogaadisay kaalinta Imaaraadka Carabta ee dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la ixtiraamo dastuurka, la helo doorashooyin loo dhan yahay, lana ilaaliyo xiriirka saaxiibbada caalamiga ah.