Ruushka oo war ka soo saray kulankii Putin iyo Trump

La-taliyaha sare ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda, Yuri Ushakov, ayaa sheegay in Putin uu ku jiro “niyad wanaag” kaddib kulankii uu la yeeshay Donald Trump.

Isaga oo la hadlayay telefishinka dowladda Ruushka ee Vesti, Ushakov ayaa sheegay in wada-hadallada labada madaxweyne ay “si wanaagsan u dhaceen”.

Warbaahinta Ruushka ayaa si weyn u baahisay muuqaallo muujinaya Trump oo qolka soo galaya, kadibna Putin ku leh: “Waa kuma ninkan? Waa saaxiibkay!”

Sida uu sheegay Ushakov, dagaalka Ukraine ayaa ahaa qodobka ugu weyn ee kulanka, kaas oo socday muddo u dhexeysay 35 ilaa 40 daqiiqo. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Maraykanka iyo Ruushka.

Kremlin-ka ayaa sheegtay in labada madaxweyne aysan soo saarin wax “hadallo waaweyn ah”, maadaama ay labada dhinacba isu diyaarinayaan kulanka ay maanta la yeelanayaan hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping.