Muqdisho-RisaalaFM- Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa xalay lagu dilay degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in askariga loo dilay si xun, rasaasta lagu dilayna ay kaga dhacday madaxa, kalxamaha iyo caloosha.
Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa sheegay in qoyska askariga ay degan yihiin xaafadaasi, habeenada qaarkoodna uu ku soo booqan jiray.
Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida, ayaa kol dambe gaaray goobtii lagu dilay ninka askariga ah, mana suurtagelin in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha.
Xaalfoy waxay ka mid tahay xaafadaha cirifyada degmada Dharkiinley ku yaala, isla-markaana aanay ku badnayn ciidamada dowladda ee qaabilsan dhanka amaanka.
Dilka askarigu waxaa uu ku soo beegmayaa, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu soo hagaagayay amniga Caasimadda.


