Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa gudaha dalkaas waxaa ay ku dileen muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu kala Magacaabi jiray Cabdi Jimcaale Cali Dable & Cusmaan Aadan Axmed, halka ay dhaawaceen muwaadin kale oo lagu Magacaabo Axmed C/llaahi Cali.
Kooxaha Burcadda ah ayaa Cabdi Jimcaale Cali Dable ugu tevay Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Deegaanka Soweto oo dhaca duleedka Magaalada Johannesburg, halka Cusmaan Aadan Axmed ay ku dileen Dukaankiisa oo kuyaalla Tuulada Pienaar ee hoostagta Mahaalada Ehlanzeni oo ka tirsan Gobolka Mpumalanga, sida uu sheegay Maxamed Yuusuf oo kamid ah Soomaalida kunool Goibta uu weerarka ka dhacay.
“Xilligii Dukaanka la xirayey ayey 3 Nin oo Hubaysan yimaadeen, Dukaanka fura ayey dhaheen Axmed oo ahaa yarkii xiraayey albaabka, markii uu isku dayey inuu ka cararana Madaxa ayey xabad uga dhufteen waana dhaawac culus oo Koomo ayuu ku jiraa, Markii ay gudaha usii galeena walaalkeen Cabdi oo gadaal joogay ayey rasaas ku fureen ALLAHA u Naxariistee isla goobta ayuuna ku nafwaayey” ayuu yiri Maxamed.
Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu weerarka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin maadaama ay baxsadeen Burcaddii dhibaatada geeysatay.
Dalka Koonfir Afrika ayaa waxaa caado ka noqday falalka isugu jira dilalka , Dhaawac iyo Dhac loo gaysto Ajaanibta ay Soomaalida kamid tahay, waxaana weerarkaan uu noqday midkii ugu horreeyay ee Soomaali lagu dhibaateeyo Sanadkan 2021.



