Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanlinta beri ah la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo hanaanka geeddi socodka doorashooyinka iyo sidoo kale waqtiga ay dhaceyso Doorashada.
Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa maanta waxa ay soo gaareen magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka qeyb geli doona shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Madaxda Maamul Goboleedyada Muqdisho soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo wakiil ka ah Madaxweynaha Galmudug oo caafimaad ugu maqan dalka dibadiisa.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe maanta markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayuu la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in shirkan uu yahay kii ugu dambeeyay ee ay yeelanayaan Madasha wadatashiga Qaran.
Shirkan looga hadlayo waqtiga ay dhaceyso Doorashada ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.


