Shir ka furmay dalka Rwanda

Rwanda -RisaalaFM- Waxaa Magaalada Kigaali ee Caasimada dalka Rwanda ka furmay Wajiga labaad ee Shirka dhamaystirka Hab-maamuuska Qabyo qoraalka isku socodka xorta ah ee Dadyoowga Africa (free movement of person in Africa).

Shirkan ayaa wajigiisa labaad waxaa kaalinta ugu muhiimsan iska lahaa Hay’addaha Socdaalka Afrika ( immigrations Africa ) madama arrimaha laga hadlaayo ay yihiin shaqooyinka Hay’addaha Socdaalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galay quburo Soomaali ah oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha kuna taqasuusay shirciyada iyo hababka socdaalada dunida.

Hadafka ugu dambeya ee laga leeyahay qabyo qoraalkan isku socadka xorta ah ee dadyowga Afrika ayaa ah in dhamaan dalalka Afrika ay isku gudbi karaan iyadoo aysan jirin wax Fiiso ah ama dal-ku gal ah ee lagu soo galayo dalalka afrika.