Muqdisho-RisaalaFM- Xildhiban Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Risaala u sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan Baarlamaanka oo ka laabtay go’aankii ahaa in ay ka sii mid ahaadaan Madasha Horu-socod.
Waxa uu sheegay xildhiban Idiris Cabdi Dhaqtar qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka in ay u sheegeen in ay isaga baxeen Madasha Horu-socod.
Sidoo kale Xildhiban Idiris ayaa sheegay in xilligan aan loo baahneyn in mowjado siyaasadeed lagu furo Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Dowladda ay la daalaa dhaceyso Abaaro iyo Colaad.
Xildhibaanada Madasha Horu-socod oo dhowaan looga dhawaaqay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Dowladda.



