Xildhiban Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Risaala u sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan Baarlamaanka oo ka laabtay go’aankii ahaa in ay ka sii mid ahaadaan Madasha Horu-socod.
Waxa uu sheegay xildhiban Idiris Cabdi Dhaqtar qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka in ay u sheegeen in ay isaga baxeen Madasha Horu-socod.
Sidoo kale Xildhiban Idiris ayaa sheegay in xilligan aan loo baahneyn in mowjado siyaasadeed lagu furo Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Dowladda ay la daalaa dhaceyso Abaaro iyo Colaad.



