Wararka ay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ka heleyso Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegayaan in Mudanayaal katirsan Barlamaanka Puntland ay kulan deg deg ah ka leeyihiin Qoraalka ka xeer Ilaalinta Guud ee Puntland u gudbisay Baarlamaanka, kaas oo ka dhan ah Xildhibaan Xildhibaan Cawil Xasan Daad.
Xildhibaanka ayaa 26-kii Bishaan su’aal adag weeydiiyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni xilli lagu guda jiray furitaanka kal-fadhiga 45aad ee Golaha Wakiilada Puntland.
Xildhibaannada shirka u socdo oo gaaraya ilaa 38 mudane ayaa wararku sheegayaan inay diyaarinayan qoraal rasmi ah oo loo gudbinayo Xeer ilaalinta, iyo in sidoo kale ay qorsheynayaan in Golaha Wakiilada looga yeero Xeer Ilaaliye kuxigeenka Puntland Max’ed Xareed Cali.
Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xildhibaannada shirka u socdo ay ka caroodeen qoraalka Xeer ilaalinta,isla markaana la filayaa in saacadaha soo socda ay Warbaahinta la hadlaan.



