Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa digniin adag u diray dadka xilliyadda soonka Fura Maqaayaddaha ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in cidii lagu arko iyadoo ay u furan tahay goob lagu iibiyo cuntooyin Bisil maalintii in tilaabo adag laga qaadi doono.
Ciidamada Ammaanka ayuu ugu baaqay in ay bilaabaan howlgal culus oo ka dhan ah kooxahaasi doonaya in ay dadka marin habaabiyaan.
Inta lagu gudajiro Bisha Rammaadaan ayuu sheegay Xirsi Yuusuf Barre in aysan aqbali doonin in Maqaayaddo qarsoodi ah Gaalkacyo laga furo.
Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay waxaana maalintii Ciidamada Ammaanka ay sameeyaan howlgal.


