Markab siday Shixnad gargaar ah oo gaaray Berbera

Markab siday sahay gar gaar oo gaarayso 1.700 tan ayaa waxa uu gaaray dekadda magaalada Berbara ee maamulka Somaliland Sida ay shaacisay dowladda dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa gargaarkaan bixisay hay’ada Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation waxaana  loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku sugan  degaanada maamulka Somaliland.

Markabkaan ayaa kasoo shiraacday dekadda Hamriyah waxaana lagu wadaa in ay qeybiyaan guddi kasocda dowladdda Imaaraadka Carabta.

Markabkaan waxaa uu sidaa nuucyada kala duwan ee cuntooyinka, waxaana dowladda Imaaraadka Carabta ay sheegtay in ay garabta taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Saldhig Ciidan ka dhisanaysa Magaalada Berbera waxaana ay xiriir gaar ah lala leedahay maamulka iskiis isku aqoonsaday ee Soomaaliland.