Wararka naga soo gaaraya degaanka Balibusle ee Barriga gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Saaka ay degan tahay Xaaladda degaankaasi oo shalay ku dagaalameen Maleeshiyaad kasoo kala Jeedda maamulada Punland iyo Galmudug.
Waxgaradka labada maamul ayaa waxa ay wadaan dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo dagaalka ka taagan degaanka Bali busle.
Odayaasha ayaa sidoo kale Maleeshiyaadka ku sugan degaankaasi ugu baaqaya in ay xabadda jooggaan ,islamarkaana ay nabadda qaataan.
Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in Labada Maleeshiyaad ay ku sugan yihiin meel u dhow goobihii lagu dagaalamay.
Sidoo kale degaankaasi ayaa waxaa lagu waddaa in ay gaaraan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Degaanka Balibusle ee gobolka Mudug ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanaayeen Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.


