Jabhad weyn oo burburtay

Ururka Ansaar al-Shariica oo la dagaalamayay ciidanka isku tilmaamay inuu yahay xoogga qaranka Liibiya, oo saldhigyada ku leh bariga dalkaasi ayaa ku dhawaaqay in ay burbureen.

Ururkaasi ka tirsan maleeshiyaadka Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Liibiya ayaa Mareykanku horay ugu eedeeyay inuu ka dambeeyeen weerrarkii 2012-kii lagu qaaday howlgalka Amerikaanka ee Benghazi.

Bayaan uu soo saaray ururkaasi ayuu ku sheegay in khasaare weyn uu kasoo gaaray dagaaladda, isla markaana la laayay hogaankiisa.

Jabhaddaasi ayaa ugu baaqday ururrada Islaamiyiinta ah in ay u midoobaan dagaalka Benghazi.

Hogaamiyihii Ansar al-Shariica, Maxamed Azahawi, ayaa dabayaaqadii 2014 ku dhintay dagaal ay xooggagiisa Benghazi kula galeen ciidanka Jenaraal Khaliifa Xaftar.

Jenaraalka oo ka dagaallama bariga Liibiya, ayaa horraantii bishan qaaday duulaan uu Benghazi kaga xoraynayo xooggaga mintidiinta ah.

Qaar badan oo ka mid ah dagaalyahannada Ansar al-Shariica ayaa ku biiray ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee Liibiya.