SAWIRO:- Shirarkii ka socday Kismaayo oo lagu heshiiyay iyo qodobo laga soo saaray

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Heshiis ku kala saxiixday siyaasiyiintii mucaaradsanaa Maamulka Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhinacyadaan maanta ku heshiiyay magaalada Kismaayo ayaa maalmihii dambe shirar gaar gaar ah ugu socday magaalada Kismaayo, waxaana shirarkaasi goob joog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee Jubbaland iyo Madaxweynaha maamulkaasi ayaa ku heshiiyay qodobo gaaraya 14 qodob, oo ay horay usoo jeediyeen siyaasiyiinta kuwaasi oo ay horay ugu dhaliilaayeen hogaanka maamulkaasi.

Siyaasiyiinta qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobadii ay soo jeediyeen dhamaantood la qaatay oo ay ku qanacsan yihiin.

Sidoo kale waxaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe waxayna si wadajir ah u sheegeen in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato hormarinta deegaanada uu ka taliyo maamulka Jubbaland.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

2-1 3-1 4 5-1 6-1