Xildhibaanada Haweenka eek u jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tababar loogu so xeray magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Tababarkaan ayuu waxa uu ku saabsanaa sidii Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku jira Baarlamaanka federaalka soomaaliya ay u heli lahaayeen xuquuqdooda isla markaana ay ugu qeyb noqon lahaayeen hay’adaha kale ee Dowlada.
Tababarkan oo uu soo qaba qaabiyay baarlamanka yurub ee AWEPA ayaa waxaa loo qabtay xildhibaano isugu jira 21- haweeen ah iyo 6-xildhiban oo ah la taliyayaal.
Xiritaanka Tababarkani ayaa waxaa goob joog ka ahaa ku simaha Safiirka ahna safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Kenya iyo Xubno ka socday AWEPA oo soo qaba qaabisay Tababarkani.
Hoos ka Daawo Sawirada:-



