SAWIRO: Roob saameyn ku yeeshay wadooyinka qaar oo Muqdisho ka da’ay

Saqdii dhexe ee xalay roob xooggan oo ka bilowday Magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray illaa saaka aroortii, iyadoo roobkaasi uu saameyn ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Xeryaha ay degan yihiin dadka Barakacayaasha ayaa lagu soo waramayaa in saameynta ugu badan uu ku yeeshay roobkii xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan meelaha qaar dad waxyeelo soo gaartay.

Wadooyinka Magaalada ayaa ka mid ah meelaha sida xun uu u sameeyaay roobkii xalay da’ay.

Wadooyinka qaar ee Magaalada ayaa waxaa dhex buuxa biyo badan oo ka dhashay roobka, iyadoo Magaalada meelo ka mid ah gaadiidka aysan mari karin.