SAWIRO:-Hadal kasoo yeeray Qaar kamid ah Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta gaaray qaar kamid ah Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug,kuwaas oo siweyn Magaaladaas loogu soo dhaweeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo Xubnaha Guddiga farsamaha iyo dhismaha Galmudug ayaa Odayaasha waxaa ay kusoo dhaweeyeen duleedka Magalada Dhuusamareeb.

Qaar kamid ah Odayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay la kulmi doonaan hoggaanka Ahlusunna,isla markaana doorweyn ka qaadan doonaan in ay xal ka dhex raadiyaan dowladda iyo Ahlusunna waljamaaca.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa qorsuhu ahaa in la xareeyo gebi ahaan Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug,hayeeshee ay dib u dhacday qaarkood oo ka maqnaa Magalaada Dhuusamareeb iyo Arrimo farsamo oo kale sida ay Risaala u sheegeen Xubnaha Guddiga farsamaha iyo dhismaha Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Rasmiga ah ee Galmudug ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa howlaha doorashada,waxaana lagu soo waramayaa in Magaaladaas ay buux dhaafiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo dad xildoon ah.