SAWIEO:- Puntland oo billaawday Maxkamadeynta Soomaali & Ajaanib katirsan Al-Shabaab

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta la horkeenay 15 eedaysane oo ku eedaysan inay katirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib u dhalatay waddanka yemen.

Ragga Ajaanibta ah ayaa howlgal ay sameeyeen Ciidamada Puntland ayaa waxaa horay loogu qabtay Doooni hub u siday Al-Shabaab laguna qabtay  Degmada bandar bayla .

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa sheegtay in ragga la haayo ay usugu jiran dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo buuraha kujiray kana qayb galay weeraro ay kagaysteen Xeryo Ciidamada puntland ku leeyihiin
Af-urur, Bali khadar iyo Shabakado u qaabilsanaa Qaybta saadka raashinka Tashkiilinta iyo marti galinta.

Ugu dambeyn Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in raggaan ay Maxkamadda horteeda ay ka qirteen inay ka tirsan Al-Shabaab.