Sare u kac laga dareemaayo qiimaha Khudaarta Suuqyada Muqdisho

Iyadoo uu bilowday xilli roobaadka guga, ayaa waxa uu saameyn ballaaran ku yeeshay suuqyada khudaarta ee magaalada Muqdisho.

Suuqyada Muqdisho waxaa laga dareemaya sare u kac ku saabsan qiimaha qudaarta qeybaheeda kala duwan.

Arrintaan ayaa waxaa loo sababeeyay roobabkii u dambeeyay ee Muqdisho iyo gobolada dalka ka da’ay iyo xernaasha wadooyinka qaar ee qudaarta la soo marsiin jiray.

Qudaarta qaar ayaa waxaa laga keenay dalka dibadiisa maadaama kuwa gudaha ay sare u kaceyn dhibaato fara badana ay ku qabaan ganacsatada iyo shacabka.

Qaar ka mid ah ganacsatada qudaarta ku iibisa suuqyada Muqdisho ayaa waxa ay ka warbixiyeen qudaarta laga dareemaya sare u kac iyo iyagoo cabasho ka keeney sare u kac ballaaran iyo qiimo koror khudaarta ah ku yimid.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in howlaha ganacsigooda uu gaabis yahay maadaama dadka aysan dooneyn iney gataan qudaar qaali ah.

Dadka shacabka ah ee Muqdisho ku nool ayaa waxay culeys ku tahay qiimo korarka qudaarta iyagoo aan awoodin qaarkood inay iibsadaan.

Inta badan Abaaraha ka jira dalka ayaa waxay saameyn ku yeesheen Beeraha oo iyaga ku tiirsan wabiga biyahiisa ,waxayna keentay abaarta inay guraan wabiyada ayna qalalaan Beerihii taasi oo sababtay inuu guro ama gaabis galo wax soo saarkii beeraha.

WD: Axmed Cabdi Cali