Saddex Waxyaabood oo Laga Bartay Kadib Xasuuqii Mourinho

Jose Mourinho kooxdiisa Manchester United ayaa ciqaab kala kulantay Chelsea oo kaga badisay xalay 4-0 kulan katirsanaa Horyaaalka Ingiriiska.

Sheekadaan ayaan kusoo gudbin doonaa saddex rikoor oo laga bartay kulankii qasaaraha lixaadka leh uu gaaray macalin Jose Mourinho.

1- Waxay ahayd guuldaradii ugu cusleyd Jose Mourinho kasoo gaarta tartamada oo dhan tan iyo Real Madrid oo 5-0 kaga badisay Barcelona bishii November 2010.

2- United ayaa waxaa soo gaaray guuldaradii ugu cusleyd Premier League tan iyo markii ay 6-1 khasaaraha ah kala kulmeen Manchester City bishii October 2011.

3- Red Devils in kulan katirsan Premier League afar ama in ka badan goolal ah looga dhaliyo waa markii ugu horeysay tan iyo 1999 waqtigasoo isla Chelsea ay wajahday.