Faahfaahin Dagaalka ka socda Gaalkacyo

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka aroortii ka bilowday  Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Abaare 6:00 Aroorimo ee Saaka  ayaa dadka fara ku tiriska ah ee kusoo haray Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo , waxa ay kusoo baraarugeen daryanka Madaafiicda ay isweydaarsanaayaan ciidamada maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Xaalada Gudaha Magaalada ayaa caadi ah , laakiin waxaa marar qaar kusoo dhacaaya Madaafiicda ay ridayaan ciidamada Puntland iyo Galmudug sida ay Risaaala u sheegeen dadka kunool Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ka socda Meel Magaalada  u jirta 8 Km.

Waxaana Xaafadaha Qaarkood oo ay ka mid ah Xaafada Garsoor oo ku dhow goobta lagu diriraayo lagu soo waramaya in ay ku soo dhaceen Madaafiic kuwaa soo burburiyay guryo  ay leeyihiin dad shacab ah.