Real Madrid oo dejisay qorshe ay ka naxeen maamulka kooxda Chelsea

Kooxda weyn ee reer Spain Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay jebiso rikoorka u yaalla suuqa kala iibsiga ciyaartoyda adduunka si ay ula soo saxiixato superstar-ka kooxda Chelsea Eden Hazard.

Kooxda hanatay horyaalka La Liga ayaa si weyn u dooneysa inay xoojiso ciyaartoyda uu heysto tababare Zinedine Zidane, iyadoo aragtida Los Blancos aysan waxba iska bedeli doonin xitaa haddii ay Sabtidaan ku fashilanto hanashada koobka UEFA Champions League.

Real Madrid ayaa laga warqabay inay si weyn u baacsaneyso goolhayaha Manchester United David De Gea, balse bartilmaameedkeeda koowaad ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagaan waa garabka kooxda Chelsea Hazard.

Majaladda The Sun ee dalka Ingiriiska ayaana saakay oo Khamiis ah daabacday inay Real Madrid sarre u qaaday qorsheyaasheedii ku aadanaa sidii ay xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium uga soo kexeysan laheyd kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Kooxda 11ka jeer hanatay koobka UEFA Champions League ayaana dooneysa inay heshiis rikoor ah oo ku kacaya 100 milyan oo ginni kula soo wareegto Hazard, ka dib markii ay seddax kulan oo kala duwan la yeelatay maamulka kooxda Chelsea iyo wakiillada xiddigaan sannadkaan gudihiisa.