Muqdisho-RisaalaFM- Rasaas iyo Qaraxyo, ayaa waxaa weli laga maqlayaa dhismaha Hotelka Ambassador, oo gelinkii dambe ee Arbacadii ay weerar qorshaysan ku galeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Inta badan dhismaha Hotelka, ayaa waxaa la wareegay ciidanka sida gaarka ah u tababaran.
Al-Shabaab oo la rumeysan yahay in ay xiran yihiin suumanka ka samaysan walxaha qarxa, ayaa waxaa xilliyada qaarkood aaggaasi laga maqlayaa bambooyinka gacanta laga tuuro, oo ay ku caabinayan ciidamada dowladda.
Boqolaal ka tirsan ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga Soomaaliya, ayaa waxaa tan iyo xalay lagu arkayaa dhammaan wadooyinka soo gala Ambassador Hotel, si ay kaga hortaggaan gurmad loo soo fidiyo dagaal-yahanada Shabaabka.
Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al-Shabaab, ayaa saakay baahisay in xoogaga Shabaabka, ay weli hawlgal ka wadaan gudaha Hotelka Ambassador.
Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa waxa ay saacado badani ku qaadatay sidii ay u soo afjari lahaayen raggii weerarka soo qaaday, sababo ku aadan waqtiga oo habeen ku soo beegmay iyo wadooyinka soo gala Hotelka oo aanay xalay ka jirin wax koronto ah.


