Muqdisho-RisaalaFM- War-saxaafadeed kasoo baxay Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faah faahiyay duqeyn dhinaca Cirka ah oo habeenkii Axadda ay taariikhdu ku beegneyd 28-kii May 2016 lagu dilay Sargaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.
Sarkaalka dowladda Soomaaliya ay sheegtay in la dilay ayaa waxaa uu Al-shabaab u qaabilsan dhinaca Gaashaan- dhigga, iyo ciidamada dagaalama sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Hey’ada NISA.
Sarkaalka ayaa waxaa lagu Magacaabaa Yuusuf waxaa lagu dilay goob aan ka fogayn deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka jubbada Dhexe oo ah saldhigga ugu weyn Al-shabaab Labadii sano ee la soo dhaafay, xilli uu markaas ka soo baxay kulan uu la lahaa Golaha fulinta Al-Shabaab, oo lagu kala qaatay qorshaha weerarada Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo kuwa kale oo ay damacsanayeen in la fuliyo xilliga lagu guda jiro doorashada Soomaaliya ee sanadkaan sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Hay’ada NISA.
Ninkaan waxaa lagu magacaabaa C/laahi C/shakuur Jimcaale, waxaa kaloo loo yaqaanaa Yuusuf Xaaji iyo Macalin Daa’uud, Da’diisu Qiyaastii waa 38-40 sano jir, waxuu lahaa 3 Xaas iyo 11 Caruur ah, waxaa la dhashay oo Al-shabaab ka mid ahaa Maxamed C/shakuur Jimaale oo lagu diley dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab dhex maray.
Yuusuf Xaaji oo ah Magaca looga yaqaano Gudaha Al-shabaab,waxaa uu muddo dheer ahaa Sargaal dhinaca Milatariga u qaabilsan Al-Shabaab, waxaa uu sidoo kale mas’uul ka ahaa Jabhadaha dagaalama kuwooda Guud iyo kuwa gaarka ah, isagoo sidoo kale maamuli jirey inta badan lacagta soo gasha Al-shabaab, oo badankeeda lagu bixin jirey dagaalada sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo Baxay Taliska Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA.
War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tan iyo markii uu geeriyooday Axmed Cabdi Gudane, uu Macalin Daa’ud ujanjeerey xaga Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Aminiyaadku Fuliyaan,Hogaankana uu qabtay Axmed Diireye (Abuu-Cubeyda) oo ah Nin ujanjeera dhinaca Jabhadaha dagaalama, abaabula Weerarada.
Hey’adda NISA, ayaa sheegtay in Yuusuf Xaaji uu ahaa maskaxdkaxdii ka dambeysay ‘Weeraro ka dhacay deegaanka Leego,Janaale, Ceel-cadde,Laantabuure, Ruun-nirgood , iyo sidoo kale Weeraradii ka dhacay deegaano ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, maadaama Jabhada hubeysan dhamaantood ay isaga hoosyimaadaan isla markaana ay ka amar qaataan.


