Ciidamada Gaashaan oo soo afjaray howlgalka Hotel Ambassador

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada Gaashaan oo ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho oo tan iyo shalay galab ay ka dhex dagaalamayeen rag ka tirsan Al-shabaab.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada goor dhaweyd ay u suuragashay in ay gudaha Hotelka galaan, islamarkaana ay toogtaan raggii hubaysnaa ee Hotelka ka dhex dagaalamaayay.

Saraakiil ka tirsan Hey’adda NISA, ayaa sheegay ciidamada Gaashaan in ay Hotelka qaybta Sare iyo Qaybta hoosaba ay joogaan oo ammaanka ay xaqiijiyeen.

Dad ku go’doonsanaa Hotelka ayaa laga soo badbaadiyay oo banaanka loo soo saaray sida ay in oo xaqiijiyeen suxufiyiin ku sugan Hotelka Ambassador.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa lagu daadgureynaya meydad laga soo dhex saaray Hotelka dhexdiisa iyo dhisamayaal Bur buray oo Hotelka gudihiisa ku yaallo.

Goobaha Hotelka ka agdhaw ayaa hada waxaa jooga dadka shacabka ah oo daawanaya sida ay wax u dhaceen, inkastoo ciidamada ammaanka qaybahooda kala duwan weli goobta ay buuxaan.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa la filayaa in ay faah-faahin dheeri ah ka bixiyaan sida howlgalka lagu soo gaba gabeeyay.