Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta waxaa lagu wadaa in uu hortago baarlamaanka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Sharmaake ayaa manta lagu wadaa in golaha Shacabka horgeeyo heshiiskii ay wada gaareen maamul goboleeyada iyo dowladda dhexe Soomaaliya,kasoo kusaabsanaa doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan.
Qaar ka mid ah mudanayaasha dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ka hadlaaan aragtidooda ku aadan qaabka doorashada .
Dabayaaqa sanadkaan ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho.



