Wararkii ugu dambeeyey Tahriibayaal laga soo bad-baadiyay badda Cas

Dekedda magalada Boosaaso xarunta gobolka Bari, waxaa xalay kusoo xiratay dooni siday 92 qof tahriibayaal u dhashay dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaas oo muddo shan cisho ah dul sabaynaya biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka badda Puntland.

Warar ay heshay idaacadda Risaala ayaa sheegay in 7 ka mid ah dadka la soo badbaadiyey ay Soomaali yihiin ,waxaana ku jirta haweenay uur leh, iyadoo 85 kalena ay yihiin dad u dhashay dalka Itoobiya, tahriibayaasha ayaa doontii ay ku safrayeen waxay cilad ku qabsatay badda Cas, waxaana gurmad u fidiyey Markabka ay leeyihiin ciidamada  NATO ee ku sugan xeebaha Puntland.

Tahriibayaasha ayaa lagu wareejiyay maamulka gobolka Bari waxaana hada lagu haya saldhiga ku yaala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.