Muqdisho-RisaalaFM- Qaramada Midoobe ayaa ku baaqday in la ilaaliyo xuquuqda caruurta kunool Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ugu horeyso.
Hay’ada caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNNICEF ayaa sheegay in caruurta kunool ee Soomaaliya ay ku jiraan dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmayaan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya.
U qaabilsanaha hay’ada UNICEF ee arimaha Soomaaliya Jeremy Hopkins ayaa sheegay in Hay’ada UNICEF ay diyaar u tahay in ay ka shaqeyso sidii caruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo sidoo kale caafimaad ku filan .
Jeremy Hopkins ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in ay iska xilsaaraan waxbarasho iyo hormarinta caruurta Soomaaliyeed,islamarkaana ay muhiim tahay in la dhowro xuquuqda caruurta.
Dhanka kale xiriiriyaha arimaha bin’aadanimada ee Qaramada Midoobe Peter de Clercq ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado waxbarashada caruurta Soomaaliyeed,islamarkaana marka la gaaro 2030 Qaramada Midoobe ay ku raja weynta in canug walba uu heli doono xuquuqdiisa.


