DHAGEYSO: Madaxweynaha oo Beesha caalamka kala hadlay taageerada ciidanka Soomaaliya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxa ay waday dadaalo ay ugu diyaar garoobeyso in ay la wareegto amaanka guud ee Soomaaliya marka Ciidamada Amisom ay ka baxaan dalka.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirada dalalka Caalamka u jooga Muqdisho, waxa uuna kala hadlay sidii ay ugu taageeri lahaayeen in ay Ciidamada AMISOM kala wareegto amaanka guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay safiiradii uu la kulmay in ay dalalkooda ka qeyb qaataan dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Dowladda.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa warbaahinta u sheegay in Dowlada ay diyaar u tahay in ay la wareegto amaanka guud ee dalka isla markaana uu madaxweynaha ka codsaday Safiiradii uu la kulmay iney dowlada ku taageeraan qorshahaasi.

Dowladda Uganda ayaa horay u shaacisay in marka la gaaro sanadka 2017 ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, waxaana Ciidamada Amisom ay iminka xarumo Millatari ku leeyihiin magaalooyiin ka tirsan Soomaaliya.