Wararka naga soo gaaraya degmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Cali Kamiin ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax khasaare geystay.
Qaraxa oo loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah ayaa la sheegaya in la dhigay afaafta hore ee Masjidka Sheekh Cabdi.
Inta la xaqiiyey ilaa iyo hada labo qof ayaa ku dhaawacantahay oo la sheegay in ay ahaayeen shaqaalo shamiito dajinaayey.


